Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo Guddoomiye Mursal ku eedeeyay in uu carqalad ku hayo hannaanka doorshada

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo Guddoomiye Mursal ku eedeeyay in uu carqalad ku hayo hannaanka doorshada

Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ugaga hadlayaan xaalada siyaasada dalka iyagoo gabar istaag ugu muujiyay war saxaafadeedkooda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War Saxaafadeedka oo ka kooban sidded qodob sideed qodob ayaa la soo saaray kadib kulan ay yeesheen Golaha Midowga Musharaxiinta;

Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Midowga Murashixiinta iyo wadatashiyo badan oo ay sameeyeen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/21 ku soo gebagaboobay magaalaa Muqdisho. Kulanka iyo wadatashiyadaba waxaa looga dooday layskuna weydaarsaday afkaar ku wajahan xaaladda dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee khalkhalka siyaasadeed geliyey dalka.

1. Goluhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo mas’uuliyada amniga iyo doorashooyinka meel fagaare ah kula wareegay, kadib markii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku fashilmay qabashada doorashooyin daahfuran, xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda.

2. Goluhu wuxuu ku garab taagan yahay Raysal-wasaaraha in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan hufan, eedaysanayaashana si deg-deg ah loo hor geeyo maxkamad awood u leh ka gungaaridda iyo qaaditaanka kiiskaas.

3. Goluhu wuxuu cambaaraynayaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ku carqaladeynaayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan, iyo gabaadka sharci-darrada ah uu siinayo eedaysanayaasha kiiska loo haysto.

4. Goluhu wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqa uu gudoomiyihi hore ee Golaha Shacabka, Maxamad Mursal Abdirahman uu ku doonayo dib-u-soo noolaynta Golihi Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday, iyadoo la doonayo in lagu carqaladeeyo daddaalka Raysal-wasaaraha, laguna hor istaagayo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com