Midowga Yurub oo Gaadiid Ciidan ku wareejiyey Maamulka K/Galbeed

Midowga Yurub oo Gaadiid Ciidan ku wareejiyey Maamulka K/Galbeed

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Maanta Baydhabo kusoo dhaweeyay Wafdi uu hoggaaminaayey Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga oo ay kamid yihiin Diblumaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo katirsan ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Wafdiga ayaa Aqalka madaxtooyada waxaa ay kulan kula qaateen Guddoomiyaha Baarlamanka , Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.
Gaadiid Ciidan oo looga talagaley in ay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ayaa waxaa safiirka uu kuwereejiyey Gudoomiyaha Baarlamanka iyadoona Siwadajirr ah u kormeey Xarunta ADC oo laga dhigeyo Xaruun lagu tababaro Ciidamada.

Waxaa sidoo kale ay kormeereen Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo oo ballaarin iyo Dayactir Lagu sameeyey, islamarkaana lagu soo kordhiyey dhismiyaal Cusub.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay in ay siiwadi doonaan taageerada dhan walba ah oo ay siinayaan Ciidamada Booliska KGS.

Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS C/qaadi shariif Sheekuna Maye ayaa dhankiisa u mahad celiyey Safiirka Midowga Yurub sida ay u tayeynayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed,wuxuuna ku bogaadiyey sida mar walba Midowga Yurub u garabtaaganyihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com