Midowga Yurub oo ka qayb qaadanaya xal ka gaarista Khilaafka Itoobiya & Soomaaliya

Midowga Yurub oo ka qayb qaadanaya xal ka gaarista Khilaafka Itoobiya & Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya , ayaa sheegtay kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya , Taye Atske-Selassie Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika, Annette Weber in looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, badda cas iyo geeska Afrika. Inta uu kulanka socday ayaa lagu soo qaaday xaaladda Suudaan iyo dadaallada nabadeed ee la sheegay inuu billaabay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sii waddo wada-hadallada si loo xoojiyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee Itoobiya iyo Midowga Yurub.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com