Midowga Yurub oo soo dhoweeyay wadahaddalka Soomaaliya iyo Somaliland

Midowga Yurub oo soo dhoweeyay wadahaddalka Soomaaliya iyo Somaliland

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo tan gobalka Geeska Afrika-ba.

“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka”, ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Europe.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muse Abdi ay ka go’an yihiin sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan nabbada.

Sii wadida wadahadaladan oo aan ku jirin wax car-qaladeeya, uuna ku socda si wanaagsan, waa habka kaliya ee lagu gaari karo nabbad, barwaaqa, iyo amaan waara. Midowga Yurub oo goob-joog ka ah wadahadalan wixii dadaal iyo taageero ah lama baaqsan doonto, ayaa lagu soo gunaanudan bayaanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com