Doorashadii Jarmalka kabacdi waa maxay qorshaha Yurub ay Madaxweyne Trump u soo bandhigayso?
Inta aan akhristuhu ku wareerin xiriirka wareersan ee ka dhex aloosan Yurub iyo Mareykanka, waxaa muhiim in aad fahamto horta Yurub yaa u taliya, siyaasadda Yurub se ma dal ahaan baa loo jaangooyaa, mise Yurub ahaan?
Midowga Yurub waxaa loo aasaasay in uu noqdo midow ku saleysan suuqa dhaqaalaha qaaradda, muhiimadda loo dhisayna waxay ku koobneyd mideynta dhaqaalaha Yurub oo kaliya. Midowga oo ahaa maamule (administrative state) qorshaha isku xirka dhaqaalaha Yurub ma laha dastuur dawladeed iyo mid ummadeed toona oo ma aha midow loo yagleeyey in uu jaangooyo siyaasadda Yurub, laakiin tartiib-tartiib waxa uu la wareegay siyaasaddii Yurub, waxaana la wareegay madax ayagu is doorta oo aan la dooran oo aan cidna matalin, shacabkuna awoodda ay isa siiyeen uusan ka qaadin karin.
Dagaalka Ukraine iyo Midowga Yurub
Midowga Yurub oo ku jira awood urursi ballaaran waxaa biloowday dagaalkii Ukraine, ama haddii si kale loo dhigo waxa uu qorsheeyey dagaalka Ukraine, waxayna taasi Yurub siiyey xeelad cusub oo uu awooddiisii “Maamule” sii labajibaaro. Haddii dagaalka Yurub istaago, shacabka Yurub waxay isku miisaami doonaan dhibka iyo dheefta Yurub, waxaana la isweydiin doonaa ‘horta yaa doortay, yaa se awoodda intaas le’eg Brussels siiyey?’
Maamulka Yurub u taliya iyo inta ku xeeran ma oggola awooddaas bilaa dastuurka ah inay dhiibaan, waxa kaliya oo mideeyaana waa dagaalka Ukraine.
Doorashadii Jarmalka & Midowga Yurub
Si aad u fahamto doorashadii Jarmalku in aysan waxba soo siyaadin, doorasha kasta oo Yurub ka dhacdana ay tahay mid nidaamsan oo aan waxba badalin, arag maqaalkii Daljir ee shalay (https://www.facebook.com/share/p/18szGheUY2/) oo laba xisbi ay si wadajir ah u xukumaan Jarmalka, haddana isla sidii un bay u sii soconeysaa maxaa yeelay Berlin iyo Brussels waa isku tiim. Hadda waa Friedrich Merz iyo CDU oo kaashanaya UPD iyo Scholz, shalayna waxay ahayd Scholz iyo UPD oo kaashanaya Merz iyo CDU. AfD oo ah xisbiga kaliya ee isbaddal dhab ah raba, kaalinta labaadna galay waxaa lagu shaabadeeyey in uu xagjir yahay, boosna uusan dawladda ka helayn. AfD ogoow waa xisbi ka soo horjeedaa qorshaha Midowga Yurub iyo maamulayaasha aan cidina dooran ee taladii Yurub maroorsaday.
Akhristaha Daljir waa in uu kala saaraa waxa dadka Jarmalku (ama badi waddamada Yurub) dantooda u arkaan, tan danta qaxootiga, iyo danta siyaasiyiinta talada haya oo wax kasta oo aad warbaahinta ka aragto ama aad ka akhrisato ay badi tahay mid ka tarjumeysa danta siyaasiyiinta talada haya.
Trump iyo Yurub
Trump waxa uu wadaa qorshe lid ku ah kan Yurub oo Mareykanka oo taladiisii ay la wareegeen dad aan la aqoon (Deep State) baa wuxuu rabaa in uu talada ka soo maroojiyo oo shacabka dib ugu sooceliyo. Yurub taas dhimashay ka xigtaa, waana sababta maanta Macron uu u yimid Washington, Khamiisna waxaa imaanaya Ingiriis oo aan kala harin iyo RW Keir Starmer.
Waa maxay qorshaha Macron iyo Starmer?
Sida aan kor u xusnay, jiritaabka Brussels oo hadda Ingiriisku rabo in uu dib ugu noqdo Midowga Yurub waxa uu ku xiranyahay dagaalka Ukraine. Haddii dagaalku dhammaado, Brussels waa lagu kala tagayaa.
Sida ila hoose ay warbaahinta Mareykanka iyo tan Ingiriisku ka soo xigatay qorshaha Macron uu Trump ula tagayo waa, “Putin kaligaya ha nooga tagin, waxaa loo baahanyahay in aan si wadajir ah u tusno in aan dagaal diyaar u nahay, adiguna Trump ahaa ninkaas tus in aad tahay nin awood leh oo Putin aan ka baqeyn.”
Qorshaha Starmer ayaan kan Macron waxba ka duweyneyn, wuxuu se ku darayaa baa la soo wariyey, “Waxaan diyaar u nahay in aan weerarno saldhigga weyn ee Ruushka ee Black Sea si aan Ruush dhabarka uga jabinayo ee nagala qaybqaado.”
Haddii si kale loo dhigo, madaxda maanta Yurub u talisaa way garowsanyihiin in Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO ay labaduba burburayaan haddii dagaalka Ukraine istaago, Trump asna sida uu dhowr jeer ku celceliyey intaas waa ka dhegersanyahay, waana mid uu raalli ka yahay, haddaan wax kale isbadalin.
Adduunku wuxuu galay marxalad cusub oo saameyn weyn ku yeelan karta xaalka Soomaaliya, mar horena saameyn ku yeelatay, sida ku biiritaanka Soomaaliya ku biirtay Suuqa Bariga Afrika (East African Community EAC) oo haddana uu socodo qorshe la mid ah kan midowga Yurub oo dawladaha East Afrika lagu mideynayo, loona dhisayo fadareeshin loogu magacdaray East African Federation (EAF). Haddii aad qoraalkaan ka fahamtay qorshaha Midowga Yurub waad fahamtay qorshaha Fadareeshinka Bariga Afrika oo ah qorshe uu Midowga Yurub wato, muhiimaduna tahay talo maroorsii ayadoon shacab wax talo ah la weydiin.
Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee shirarka Washington DC ee Yurub iyo Ameerika.
> Daljir Media
COMMENTS