Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa mudane Cali Daahir Ciid, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka usbuuclaha ah ee Golaha wasiirada.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ku saabsanaa soo jeedinta & ansixinta Miisaaniyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee 2020.
Wasiirka wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay ku talagalka miisaaniyadeed ee 2020.
Dood iyo falanqeyn kadib, golaha wasiirada ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyada 2020 oo gaaraysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).
Miisaaniyada sanadkii 2018 ayaa aheyd 8 milyan, waxana la kordhiyay in ka badan 50%.
COMMENTS