Mike Pompeo oo safar ku tagay wadanka Senegal

Mike Pompeo oo safar ku tagay wadanka Senegal

Xogyaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa safar ku tagay wadanka Senegal, safarkan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey ee uu Mike Pompeo ku tago wadanka ka tirsan Qaaradda Afrika.

Mike Pompeo ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato madaxweynaha Senegal Macky Sall, isla markaana ay ka wada hadli doonaan sidii labada wadan u yeelan lahaayeen xiriir ganacsiga iyo mid amni.

Mareykan ayaa dagaal adag ugu jira sidii uu xiriir ganacsi ula yeelan lahaa wadamada Qaaradda Afrika, si uu meesha uga saaro wadanka Shiine.

Mike Pompeo ayaa dhawaan uga digay wadamada Qaaradda Afrika xiriirka ay la sameenayaan Shiine, isagoo Shiine ku tlmaamay wadan qayaano badan.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com