Milatariga Itoobiya oo Duqeyn ka fuliyay Magaalada Mekelle

Milatariga Itoobiya oo Duqeyn ka fuliyay Magaalada Mekelle

Ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa sheegay in ay burburiyeen qalab isgaarsiineed oo ay TPLF adeegsan jirtay, kaasi oo yaallay gudaha Magaalada Mekelle.

Sidoo kale waxa ay sheegtay dawladda Federaalka Itoobiya in la burburiyey qalabkii warbaahinta ee Mekelle u yaallay TPLF.

Dawladda ayaa sheegtay in hawl-galku si guul ah kusoo dhammaaday, shacabkana aanay gaarin wax waxyeello ah.

Degaano iyo degmooyin kuyaal Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa weli ka socda dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com