MOOSHIN KA DHAN AH BOOBKA DHULKA IYO QABUURAHA OO CAAWA BILOOWDAY

MOOSHIN KA DHAN AH BOOBKA DHULKA IYO QABUURAHA OO CAAWA BILOOWDAY

Kaddib boob aan joogsi lahayn oo Dawladda Federaalka Soomaaliya ay la beegsanayso dhulka ay degganyihiin shacabka barakacayaasha oo dagaal, abaar iyo saboolnimo darteed uga soo barakacay degaano kale, iyo waliba boobka dhulka qabuuraha, oo dawladdu dhammaan dhulkaas ka iibineyso ganacsato gaar ah, ayaa markii ugu horreysay waxaa soo shaacbaxay mooshin ay wadaan qaar xildhibaanada Soomaaliyeed. Ujadeeda mooshinka ayaa lagu qeexay in ay tahay qaraar looga hortagayo boobka dhulka, looguna hiilinayo shacabka Soomaaliyeed. Waa mooshinkii ugu horreeyey abidan oo noocaan ah, xildhibaankii ugu horeeyey ee mooshinka saxiixey waa Xildhibaan Dr. Cabdillaahi Haashi Abiib.

Warqad ku lifaaqan mooshinka oo Xildhibaan Abiib uu u qoray xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa sida hoose u qorneyd:

Salaan dhammaan Xildhibaanada Sharafta leh,
Waxaynu ka wada warqabnaa xadgudubka iyo boobka lagu hayo dhulkii ay deganaayeen shacabka ka soo barakacay dagaaladii sokeeye iyo waliba shacab kale oo wada danyar ah oo dhammaantood caasumaddii Qaranka Soomaaliyeed loogu awood-sheeganayo iyada oo aan sifo sharci ah loo marin.

Qabuurihii ayana ma fayooba oo inta meydadkii la soo qufay baa haddana eheladii lacag laga qaaday si ay maydka qabuuraha uga saaraan oo meel kale hoy lagu aaso uga raadsadaan. Dhulka laga boobayo mid nool iyo mid dhinteyba loo boobi mayo dan Qaran ee waxaa laga iibinayaa ganacsato gaar ah.

Haddaba si aan boobka u joojino maanta waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa Mooshin ama Qaraar Soojeedin aan shacabka Soomaaliyeed ugu hiilinayno, maadaama aan nahay hay’addii sharci-dejinta dalka.

Maanta u hiilli shacabka aad matasho oo aad u dhaaratey oo saxiix mooshinkaan si loo horkeeno Golaha Shacabka. Si aan uga kaaftoono saxiix Madaxweyne oo mooshinka aan sharci dastuuri ah uga dhigno waa in aan helno 2/3 codka xildhibaanada.

Fadlan mooshinka xiriiriyahaan ka muuqda guji oo saxiix si aan dawladdu dib dambe dhul dan qaran loo asteeyey aysan u bixin ama aysan ganacsato gaar ah uga iibin.

Waxaan maanta kalsooni weyn ku qabaa in 100% dhammaan xildhibaanada Soomaaliyeed ee sharafta leh ay u hiillin doonaan shacabka Soomaaliyeed ee danta yarta ah ee boobka lagu hayo.

Guul iyo khayr baan Idin rajeynaysaa | Xildhibaan Dr. Abdillahi Hashi Abib | MP – Gobolka Awdal iyo Degmada Gebiley

Daljir kala soco xildhibaanada saxiixa mooshinka boobka dhulka iyo kuwa diidaba.

Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com