Tan iyo sidii Erdogan uu shalay subax u xiray Imamoglu oo ah Duqa Istanbul, ahna musharrax u taagan xilka madaxweynaha, waxaa isa soo taraya mudaharaadyo waaweyn oo ka socda dalka oo dhan, siiba Istanbul iyo Ankara. In kasta oo la mamnuucay mudaharaadada Istanbul haddana shacabka isu soo baxaya ma aha wax booliis joojin karo.
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya meel uu Erdogan hadda jooga, ayaga oo wararka qaar sheegayaan in uu qaatay diyaarad khaas loo leeyahay, aan se la aqoon meel uu aaday. Erdogan ayaa hadda bilaa saaxiib ah asaga oo saaxibadii ugu dhawaa oo ahaa Ruushka iyo Iran ay isku khilaafeen siyaasadda Suuriya, NATO ayana magac ma ahee aysan jirin saaxiibtinimo kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in Erdogan uu Iran caawimaad weydiistay, laakin Iran ugu jawaabtay maya.
Mudaharaadada Turkiga ka socda ma ahe ma jiraan warar kale oo la hubo, Imamoglu asna weli waa xiranyahay.
Daljir isha ku hay wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda Turkiga.
> Daljir Media
COMMENTS