MUDUG IYO MUHIIMADDA GAARKA AH EE AY U LEEDAHAY DIIWAANGINTA DADWEYNE EE DOORASHADA GOLAHA DEEGAAN..

MUDUG IYO MUHIIMADDA GAARKA AH EE AY U LEEDAHAY DIIWAANGINTA DADWEYNE EE DOORASHADA GOLAHA DEEGAAN..

Maadaama maanta oo Talaado ah la daahfuray diiwaangelinta dadweyne ee doorashada golaha deegaanka ee gobolka Mudug ee Puntland, bulshada gobolka waxaa horyaalla dhawr fursadood oo muhiim u ah.

MIDDA 1aad: Waa fursad muhiim u ah si guud gobolka Mudug òo dhan iyo bulshooyinkiisa, maadaama diiwaangelintaan doorasho ay u socoto, tilmaamaysana codkaaga ku ciil bax, kuna dooro madaxdaada maamul degmooyin, iyo mudanayaashaada deegaan, taasoo degmo kasta iyo deegaan kasta u suuragalinaysa dadkeedu in ay cod kula soo baxaan cidda ugu habboon, uguna wanaagsan, ee ay ku aamini karaan maamulkooda deegaan iyo masiirkooda intaba.

MIDDA 2aad: Waxay tani fursad aad qaali u ah u sii tahay bulshooyinkii ku tiro iyo tabasho qabay tabihii dhisme ee maamulladii hore ee heer deegaan ama degmooyin, kuwaasi oo haysta maanta qaab wax doorasho oo aan cidina u ku qoor-qabanayn, qoondana u jaan-goynayn, ahna suuq furan salladdaada la tag, saamigaagana ka qaado.

MIDDA 3aad: Waxay fursad u tahay shaqsiyaadka caadiga ah oo in badan ka noqon kara bulshada gobolka, ee muddada dheer lahaa hanka iyo hammiga wax hoggaamineed ee maamul iyo mushtamacba, misna uu reebayey doorkasta qalinka iyo qoraalka odayaasheenna dhaqanka oo laftigoodu culays badan, canaan, ceebayn iyo eedba ku qabay soo xulidda xubnaha golayaasha deegaan, shaqsiyaadkaasi oo maanta haysta hilin bannaan oo ay hangooda ku gaari karaan, kuna hanan karaan.

MIDDA 3aad: Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijin kara maanta, si toganna u muujin kara doorkiisa aan horay sida mugga leh ugu qeexnayn ee ah in uu kaalinta labaad uga jiro badnaanta bulsho, baaxadda magaalooyin, badka dhuleed, iyo buuraanta dhaqaale intaba.

MIDDA 4aad: Maadaama muddo dheer lagu xamanayey gobolka xoogga, xabbadda, xiniftan, iyo xaniiyo ku joogista, maanta fursad dahabiya ayay u tahay gobolka Mudug ee Puntland iyo bulshooyinkiisa, taasoo ay ku mayri karaan, xantaasi hore iyo beenta fakatay, ayna ku soo badhigi karaan bisayl dad iyo deegaan, dawlad jaceyl, dimuqraaddinimo, dareen ilbaxnimo, dadaal hormar, iyo diiwaangal buuxa, taasoo daruuraha ku shareeri karta dadnimadooda, iyo heerkooda magac, maamuus iyo meekhaan ee gobol iyo bulshaba.

Dhawrkaasi qodob, waa kuwo la gudboon maanta bulshada gobolka Mudug ee meertada diiwaangelintu duljoogto, horayna ula soo gudboonaaday bulshooyinka gobollada kale ee Puntland, kuwo kalana la gudboonaandoonta, taariikhda ayaana qoraysa cidkasta iyo siday uga faa’idaysatay fursaddaan, sannadaha badan la sugayey, Soomaaliduna waxay dhahdaa laf iyo dhagax marbaa la isla helaa, talana waa middii iyadoo kula gudboon aad garatid.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com