Muhaajiriin dooni kula degtay xeebaha Tunisia

Muhaajiriin dooni kula degtay xeebaha  Tunisia

Inta la xaqiijiyay 20 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ay la socdeen ay kula degtay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebaha Tunisia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doonyaha ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa meydadka ka soo saaray magaalo xeebeedka Sfax ee bartamaha Tunisia maalintii Khamiista.

Waxaa weli socda baadigoob loogu jira ugu yaraan 20 qof oo kale oo wali la la’yahay, halka shan qofna la soo badbaadiyay.

Doonta oo ay la socdeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxaana ay doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga.

Qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa ka soo jeeda waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika kuwaasi oo ka cararaya dhibaatada dhaqaale iyo dhibaatooyinka dalalkooda ka jira.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com