Munaasabad maamulka DDS ku taageerayo xisbiga EPP ee Abiy Axmed oo Jigjiga ka qabsoontay

Munaasabad maamulka DDS ku taageerayo xisbiga EPP ee Abiy Axmed oo Jigjiga ka qabsoontay

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) oo uu horkacayo Kusimaha Madaxweynaha Md. Mustafe Muxumed Cumar Cagjar oo shalay ka soo laabtay tababar lagu soo qabtay magaalada ADHAMA, caasimada kilalka Oromiya, laguna bartay habka hawlfulinta xisbiga cusub ee EPP ee uu asaasay RW Abiy Axmed, iyo taageerayaasha xisbiga ee magaalada Jigjiga ayaa iskugu soo baxay munaasabad lagu taageerayo xisbiga EPP.

Munaasabadda Jigjiga oo hal tabeele oo kaliya uu kaga qornaa afka Soomaaliga ayaa halkudhig looga dhigay “WADAJIR AYAAN KU BARWAAQOOBAYNAA,” meesha Soomaalida oo codkooda tartan loogu jiro garamaanta, koofiyadaha iyo calaamadaha kale loogu soo qoray afka Ingiriiska, halkudhigyadana ay kamid ahaayeen “Jigjiga is Abiy Land (Jigjiga waxaa iska leh Abiy)” iyo “Somalis for Abiy (Soomaalidu ha raacdo Abiy)”.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com