Muqdisho: Ciidamadii Badbaado Qaran oo isaga baxay magaalada

Muqdisho: Ciidamadii Badbaado Qaran oo isaga baxay magaalada

Magaalada Muqdisho waxaa maanta isga baxay Boqolaal Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee la baxay Badbaado Qaran kuna oo dhufeysyo ka samaystay xaafado kamid ayh magaalad muqdisho.

Ciidankaan ayaa kusii jeedda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay markii hore ka yimaadeen.

Waxa ay sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha ciidankaan hoggaaminaysa in saldhigyadii ay ka yimaadeen ay tagi doonaan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Ciidankaan ayaa ku baxay heshiis dhawaan ay gaareen Rooble iyo Saraakiisha ciidankaan hoggaaminaysa ka dib markii laga laabtay muddo korosigii labada sano ahaa ee loo sameeyay Hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Maanta ayay ku’ekeyd 48saac ee loo qabtay iney kaga baxaan ciidamadan magaalada Muqdisho.

Diiwaanka wrarka
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com