Muqdisho: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo War qoraal ah soo saaray

Muqdisho: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo War qoraal ah soo saaray

Qoraal maanta ka soo baxay guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ayaa lagu yiri” Shirkan Jaraa’id waxaan u qabannay inaan ku iftiiminno waxyaabihii u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal oo labadii toddabaad ee u dambeysay shirar joogta ah kulahaa Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddigan ka kooban yahay xubno ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka yimid Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna ka dhashay Heshiiskii Siyaasadeed eeMadaxda labada heer ay ku gaareen mag aalada Muqdisho 17kii Sebteembar
2020.

Magacaabista Guddigan waxey timid kaddib markii habraacyadii heshiiskaas la dhammeystiray, ay ansixyeen labada Aqal ee Barlamaanka JFS, uuna saxiixay Madaxweynaha.

Taniyo intii uu Guddigan hawshiisa guda galay, waxaa noo qabsoomay inaan dhammeystirno qodobadan.

1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga
Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka
Somaliland iyo Banaadir.

2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay
doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo

shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada
Doorashada.

5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.
Waxaa kale oo aan hadda gacanta ku haynaa shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku
dhacdo.

Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin
kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.

Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero,
waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu
soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay.

Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah
dalka laga lumin.

Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

Wabillaahi Towfiiq

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com