Muqdisho: Guddoomiyaha Gobalka Banaadir & Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya oo Kulmay

Muqdisho: Guddoomiyaha Gobalka Banaadir &  Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya oo Kulmay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

Guddoomiye Cumar Finish iyo Safiir Nicolás Berlanga ayaa inta uu kulankooda socday uga wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerida mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka iyo Safiirka ayaa si gaar ah iskula meel dhigay dhaqaajinta mashaariicda dhaqaalaha, dib-udhiska, iyo xalinta Maareynta Barakacayaasha iyo soo dedejinta shaqooyinka Midowga Yurub ka Wado Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa xubno ka tisan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Midawga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacya badan oo ay kamid tahay tababarrada ciidamada Booliska si sare loogu qaado awoodda iyo xirfadda sugidda amniga Shacabka Soomaaliyeed.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com