Muqdisho: Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo xilka la wareegay

Muqdisho: Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo xilka la wareegay

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimihii horey u hayey xilkaas Mudane Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka iyo dhiirri gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyaddan muhiimka ah ee loo xilsaaray.

“Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.”

Dhankiisa, Agaasime Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka warbixyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen iyo waajibaadka shaqo ee baaxdda weyn ee horyaalla Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo.

Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay siihayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com