Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Maanta xukun riday

Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Maanta xukun riday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in lagu helay la shaqeynta Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Ninka la sheegay in lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu Magacaabaa Xasan Cali Gaas, waxaana Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay ku eedeysay in uu la Shaqeynayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Tuulada Ceelgaras.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qeybta 60-aad oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in Xasan Cali Gaas lagu qabtay, isaga oo waday 218 Xabo oo rasaasta Qoray AK47 ah oo uu u wadayTuulada Ceel-garas oo ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana Maxkamadda ay ku xukunta Shan sano oo xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xukun sane Xasan Cali Gaas Cali uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com