MUQDISHO: Sarkaal ka tirsan Ciidamad Booliska Iyo Askari Ilaalo u ahaa oo Lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO: Sarkaal ka tirsan Ciidamad Booliska Iyo Askari Ilaalo u ahaa oo Lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo askari ilaalo u ahaa iyo qof shacab ah ayaa ku dhintey weerar ay koox bastoolado ku hubeysan ku qaadeen maqaaxi ku taal degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay labo ruux halka dadkii ka dambeeyay weerarka ay baxsadeen.

Sarkaalka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Muuse (Cali Dahab) oo ahaa xiddigle boolis ah.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro ay geysteen koox bastoolado ku hubeysan kuwaasoo weerarka kadib baxsada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com