Muqdisho: Sarkaal katirsan Wasaarada Cadaalada oo lagu dilay degmada Hodan

Muqdisho: Sarkaal katirsan Wasaarada Cadaalada oo lagu dilay degmada Hodan

Wararka naga soo gaaraya magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay degmada Hodan ku dilay Garsoore ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.

Garsoorahan oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Cabdi Maxamed Bagadi ayaa xalay lagu dilay xaafada Taleex.

Dableyda dilka geysatay ayaa baxsatay, iyadoo markii dilka dhacay kaddib ay ciidamada amniga goobta gaareen.

Wasaaradda Cadaaladda oo war qoraal soo saartay ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuumka, iyadoo looga tacsiyadeeyay ehelada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Al-Shabaab ayaa loo badinayaa inay ka dambeysay dilkaan, waxaana bishan Ramadaan ay kordhiyeen falalka dilalka ee khaarijinta ah.

Diiwaanka Wararka
Radio daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com