MUQDISHO: Xubin katirsan Daacish oo xukun lagu riday

MUQDISHO: Xubin katirsan Daacish oo xukun lagu riday

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya una qaabilsanaaDaacish Xawilaadda lacagaha.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2008, isla markaana Tababarkiisii ugu horreeyay uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi, isaga oo qayb ka ahaa Jabhado weerar ku qaaday xamar billowgii dowladdii KMG ahayd, kuna dhaawacmay dagaalladii xamar ka socday xilligaas

War kasoo baxay maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale sanadkii 2016 uu u goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Al-Shabaab.

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi ayay Daacish u wakiilatay Kala gudbinta lacagta, waxa uuna ku lahaa diristiisa lacagta qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray fududaynta howshaas.

Ciidamada Hay’adda Nabadsgida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale bishii Sedaxaad Ee Sanadkan ku qabatay Eedeysanaha 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa intii uusan ku biirin Daacish 2016, waxa uu ahaa Alshabaab ilaa 2008, sidoo kale waxa dhaawac ka soo gaaray dagaalladii u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaanka u hayay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday In loo Naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan lacag Diris.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamaddu sidoo kale sheegtay in sanadihii 2019-2020 uu u isticmaalay lacag ka badan $400,0000, isla markaana lacagtaasi ay u gacan gashay Qaarkeed muwaadiniin u dhashay Uganda & Itoobiya oo ku sugan wadanka Koonfur Afrika.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com