Muran Xoogan oo ka taagan habka diiwaan gelinta ciidmada gobolka Gardafuu.

Muran Xoogan oo ka taagan habka diiwaan gelinta ciidmada gobolka Gardafuu.

Wasaaradaha maaliyadda iyo amniga Puntland ayaa mudooyinkan ka waday magaalooyinka Puntland diiwaan gelinta iyo dib u tayeenta ciidamada kale duwan ee Puntland.

Tirada ciidamada soo gaaray Baraagaal ayaa lagu sheegay ilaa 300 oo askeri, kuwaasi oo ka yimid dhammaan maagaalooyinka iyo deegaanada gobolka Gardafuu.

Qorshuhu waxa uu ahaa in guddiga diiwaan gelinta iyo dib u tayeynta ciidanka ay gaaraan magaalada Baargaal, si ay u soo diiwaan geliyaan, balse safarkaasi ay ka baaqdeen, kadib markii uu muran xoogan uu soo kala dhex galay guddiga iyo saraakiishii hogaaminaysay ciidankaasi.

Muranka ayaa salka ku haya tirada ciidanka, oo guddiga waxa uu qorsheenayay in uu diiwaan geliyo tiro ka yar ciidanka ku soo xaadiray Baargaal, halka saraakiisha hogaaminaysa ciidanka dhankooda ay dalbadeen in dhammaan la diiwaan geliyo ciidamada.

Murankan ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan magaalada Baargaal.

Diiwaanka wararka.
Radio Dalji.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com