Maxkamadda caalamiga ah ee ICG horraantii sannadkaan 2017, waxay aqbashaday qaadista dacwadda la xiriirta murankii xagga badda ee ka dhex curtay waddamada dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo lagu xallin waayey wada-hadallo siyaasadeed, aakhirkiina la horgeeyey ICG oo hadda laga dhawrayo ka garsooniddeeda.
Murankaasi Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, haatanna horyaalla maxkamadda ICG ayaa salka ku hayo arrimo badan oo dhinaca khayraadka badeed ugu xoogganyahay, iyadoo la xusayo ahmiyado gaar ah in ay leedahay goobaha badeed ee lagu muransan yahay.
Prof. Cabdisalaan Ciise Salwe waa bare sare oo wax ka dhiga Jaamacadda Bariga Afrika, ahna guddoomiye kuxigeenka dhanka waxbarashada, ayaa wax ka daraaseeyey sababaha gun-dhigga u ah khilaafkaasi badda iyo soodinta lagu muransan yahay.
Wareysi uu siiyey Radio Daljir Prof. Cabdisalaan Ciise Salwe, ayuu noogu sheegay baaristiisa iyo miraha illaa hadda uga soo baxay.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
COMMENTS