Musharaxa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waxaa uu ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay guddoonka baarlamaanka ee Puntland, kadib xaflad uu xalay xildhibaanada baarlamaanka uu ugu qabtay magaalada Garoowe.
Musharaxa ayaa ugu horayntii ka mahadceliyay guddiga xalinta khilaafaadka Puntland iyo xildhibaanada Puntland ee lasoo xulay.
Waxaa uu sheegay inuu yahay nin dhalinyarada iyo odayaasha isku wadi kara, waxaa uu sheegay shaqo wanaagsan inu soo qabtay mudadii uu xilka agaasimaha warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada uu ahaa.
Dhanka isku xirka dowladda iyo bulshada gobolka Sanaag ayuu sheegay inuu aad sare u qaaday, ka hortagay diiwaangalinta Somaliland uu doonayay inuu ka hirgaliyo gobolka Sanaag.
Hoos kadhegayso
COMMENTS