Musharax Daahir Geelle” Dib u dhaca doorashada waxaa mas’uul ka ah Farmaajo & Rooble”

Musharax Daahir Geelle” Dib u dhaca doorashada waxaa mas’uul ka ah Farmaajo & Rooble”

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Maanta ay ku beegan tahay sanad ka hor markii Midowga musharrixiinta ay kulankii ugu horreeyay ku yeeshaan Magalada Muqdisho, kaas oo ay ku doonayeen qabashada doorasho xor iyo xalaal ah

Geelle waxa uu sheegay in Hal sano kadib weli ay socdaan diban daabyadii lagu haayay doorashooyinka dalka, taas oo keentay in dhowr jeer dib u dhacaan.

Waxaa hadalkiisa uu ku dhaliilay habkii ay u dhacday doorashooyinkii Aqalka Sare oo ay qabteen dowlad Goboleedyada marka laga reebo Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo uu sheegay in aysan aheyn kuwa u dhacay si daah furan, isla markaana ay qabaan walaac la xiriira habka ay u dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka

” Weli sidii la rabay uma socdaan doorashooyinka, waqtigii la joogay dowladda hadda jirta ayaa iska deeysay, waxaa ay aheyd in Bisha Febaraayo Madaxweyne Cusub la doorto, waxaana kaloo kasoo hor jeednaa in dib loo dhigo doorashooyinka oo koox koox loo doorto ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Waxaa uu ku eedeeyay dib u dhaca doorashooyinka inay sabab u yihin, Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com