Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta Khudbadahooda Jeedinaya

Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta Khudbadahooda Jeedinaya

Xildhibaanada baalamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay dhageysanayaan Khudbadaha musharaxiinta u taaganka qabashada xilka guddoonka baarlamaanka oo musharaxiin dhowr ah ay u taaganyihiin.

Mushaaxiinta u taagan qabashada xilka guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa gaaraya 7-musharax oo u kala tartaaya guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisaba.

Masuuliyiinta u tartamaysa xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa shalay gudbiyay Taariikh nololeedkooda,iyada oo maanta la wada dhageysanayo waxqabadkooda.

3-dex ka mid ah Musharaxiinta ayaa u tartamaya gguddoomiyaha baarlamaanka Galmudug halka inta kalana ay u tartamayaan ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad,iyaa oo isla maanta lasoo gabagebaynayo dhageysiga Khudbadaha musharaxiinta guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale maalinta berito ah ayaa la filayaa in magaalada Dhuusa-mareeb ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo ku-xigeenadiisa halkaas oo uu ka dhacayo tartanka ugu adag.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com