Magaalada Bosaaso waxaa maanta lagu soodhaweeyay Musharax Madaxweyne Puntland Cali Xaaji Warsame oo u taagan doorashada Puntland 2019.
Cali Xaaji Warsame ayaa arimihii u ka hadlay waxaa ka mid ahaa ammaandarada magaalada Bosaaso iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca, heshiiskii dekeda Bosaaso oo u sheegay in uu dib-u-eegis ku sameyn doono haddii uu xilka ku guulaysto, hoos-u-dhaca dhaqalaaha Puntland, iyo hirgalinta nidaamka asxaabta badan ee qof iyo cod.
Waa markii labaad oo uu Cali Xaaji Warsame uu isku soo taago doorashada madaxweynaha Puntland, sanadkii 2014kii ayey ahayd markii uu Cali Xaaji isku soo taagay xilkan balse uusan ku guulaysan .
Haddaba wariyaha Daljir ee Bossaso Xasan Heykal ayaa warbixintan ka diyaariyey.
COMMENTS