Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa maanta si weyn lagu soo dhaweyeey musharrax Madaxweyne Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi deni.
Dadweyne farabadan oo ka kala yimid xaafadaha Garoowe ay ka koobantahay ayaa musharraxa kaga hortagay duleedka Caasimadda, iyaddo barxadda sido kale isugu baxeen boqolaal shacab ah oo tageersan musharrax Deni.
Musharrax Deni ayaa la hadlay boqollaalka shacabka ah oo uga mahadceliyeey sida wanaagsan ee ay ugu soodhaweyeen caasimadda, isago ka hadlay waxqabadka haddii la doorto.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa eedayn dusha uga tuuray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isago ku edeyeey Gaas inuu ka gabiyeey xoreynta gobalka sool oo uu horey madaxweynaha oloolihiisi doorashadda ku sheegay in uu xoreyn doono gobalka sool ee gacanta ugu jirra Somaliland.
Hoos kaga bogo
COMMENTS