Muwaadiniin u dhashay Hindiya oo ku sugan Somaliland oo laga helay Covid 19

Muwaadiniin u dhashay Hindiya oo ku sugan Somaliland oo laga helay Covid 19

Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa siddan u qorneyd:

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80

Lix iyo labaatan qof (26) ayaa laga helay xanuunka, 22 waa Somalilander, halka 4 qof ay udhasheen Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 7 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 2 qof)
(20jir ilaa 29jir = 9 qof)
(30jir ilaa 39jir = 7 qof)
(40jir ilaa 49jir = 6 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com