Abu-dhabi, Mar, 23 – Allaha u naxariistee waxaa 4-tii subaxnimo ee saaka magaalada Abu-dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday M/weynihii hore ee Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo muddooyinka dambe lagu daaweynayey isbitaalka Sh. Zaayid Hospital oo ku yaalla magaaladaasi, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.
Ehelada marxuunka ayaa sheegay inuu baryihii dambe aad u xanuunsanayey marxuunku ayna hadda qabanqaabinayaan sidii aas qaran loogu samayn lahaa.
C/laahi Yuusuf ayaa si weyn loogu yaqaanay arrimaha siyaasadda wuxuuna ahaa M/weynihii ugu horreeyey ee dawladda Federalka. Wuxuuna marxuunku ifka kaga tagay hal xaas iyo afar caruur ah.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
COMMENTS