Kismaayo, December 13, 2013 – Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ayaa howl-galo baaxad leh ka sameeyey xalay gudaha magaalada xaruunta ah ee Kismaayo, xili horaantii toddobaadka ay dilal ka dheceen magaalada.
Nabad-sugidda maamulka Jubba waxay sheegeen inay qabteen 20 ruux oo laga shakiyey.
Jamaal Cumar oo ah taliyaha nabad-sugidda waxaa uu sheegay inay baaritaano baaxad leh ku samayn doonaan dadka la soo qab-qabtay.
Howl-gallada ayaa weli ka socda Kismaayo.
Masuul ka tirsan maamulka dekedda Kismaayo ayaa lagu dilay suuqa Aargada horaantii toddobaadka, isla xiligaas waxaa magaalada xeebta ah howl-gal lagu soo aruuriyey in ka badan 270 aaladaha qarxa ah.
Diiwaanka wararka
Radio daljir
COMMENTS