Nabadoon lagu xiray magaalada Bosaaso

Somalia, December 06, 2015-(Daljir)_Ciidanka amaanka magalada Bosaso ayaa maanta xiray Afhayeenka nabadoonada Gobalka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibrahim (Xarago).

Xariga Nabadoon xarago ayaa yimi ka dib markii maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Bari sheegtay inuu Aflagaado u geystay maxkamadda sare ee Puntland sidaasi darteedna amartay in lasoo xiro.

Nabadoon Cabdiqaadir ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda Daljir ku difaacay nidaamkii lagu soo xulay xildhibaanada gollaha deegaanka Bosaso, wuxuna maxkamadda sare ku tilmaamey inay la mid tahay maxkamadda dambiyadda aduunka ee ICC.

Maxkamadda sare ayaa xukuntey in afar xubnood oo ku jiray gollaha deegaanka Bosaso laga reebo maadama ay maxkamaddu soo gaartey eedeyn ku aadan qaabka xildhibaanada lagu soo xulay iyo doorashadii sidey ku dhacdey.

By: Faadumo Taxadar

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com