Yurub waxaa ka taagan xaalad cakiran oo isugu jirta dhaqaale-xumo iyo dagaalkii Ukraine oo looga guulaystay iyo waliba gaashaanbuurta NATO oo qarka u saaran burbur.
Jarmalka oo ah hoggaanka dhaqaale ee Yurub ayaa maanta u dareeray doorashada xisbiyada ee Baarlamaanka Jarmalka oo deedna xisbiga guulaystaa uu magacaabi doono Jansalarka dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.
Haddaba yaa guulaystay, muxuu se xisbiga ama xisbiyada guulaystaa kaga duwanyihiin kuwa hadda xukunka haya ee Jansalar Olaf Scholz?
1. Kaalinta 1aad 29% waxaa galay xisbiga jamhuuriga ee CDU waxaana hoggaanka haya, lana filayaa in uu talada dalka la wareego Friedrich Merz
2. Kaalinta 2aad 19.6% waxaa galay xisbiga midigta fog ee AfD
3. Waxaa khasaare lixaadle la kulmay xisbiga SPD ee Scholz oo helay 16%, waana uu oggolaaday natiijada doorashada iyo hoggaanka cusub
CDU oo talada dalka la wareegaysaa waa ay diiday in ay talowadaag la noqoto AfD oo kaalinta 2aad gashay, waxaana la filayaa in ay talada la qaybsadaan SPD oo ah isla xisbigii Olaf Scholz ee ay talada ka rideen.
Haddii si kale loo fiirsho, falaanqeeyayaasha siyaasaddu waxay leeyihiin wax is badalay ma leh oo siyaasadda Yurub waa mid laga shaqeeyey in aan waxba isbadalin. Tusaale, xisbiga talada la wareegay wuxuu rumeysanyahay in dagaalka Ukraine la sii wado oo shidaalkii raqiiska ahaa ee Ruushka aan la soo celin. Waxa uu sii fogeeyey xisbiga AfD oo rabay in dagaalka la joojiyo, dhaqaalaha la kobciyo oo Ruushka lala heshiiyo, waxa uuna soodhaweynayaa xisbiga talada hayey ee SPD.
Haddaba maxaa is badalay? Waa waxba. Haddii aan si kale u dhigno, si talada dalka loo hanto waa in aad hesho 50+. Kalkii hore talada waxaa hayey SPD iyo CDU oo SPD hormuud tahay. Haddana talada dalka waxaa qabanaya CDU iyo SPD oo CDU hoggaanka hayso.
Merz oo talada la wareegayaa hore ayuu Trump dhowr jeer u aflagaadeeyey asaga oo yiri waa nin Ruush la saftay oo Yurub iyo Ukraine ka saftay.
Trump oo markii hore mooday in xisbiga AfD guulaystay ayaa hambalyo isla markiiba diray, laakiin sida lagu yaqaan markii uu wax kala hubsado ayaa la filayaa in uu qarxiyo xiriirka.
Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee doorashada Jarmalka.
> Daljir Media
COMMENTS