Netanyahu oo farriin kulul u diray Erdogan iyo Turkiga muujiyeyna in Turkigu hadda yahay dalka ay isha ku hayaan Iran kabacdi

Netanyahu oo farriin kulul u diray Erdogan iyo Turkiga muujiyeyna in Turkigu hadda yahay dalka ay isha ku hayaan Iran kabacdi

Netanyahu oo farriin kulul u diray Erdogan iyo Turkiga muujiyeyna in Turkigu hadda yahay dalka ay isha ku hayaan Iran kabacdi

Erdogan muxuu ku jawaabi doonaa?

Netanyahu oo uu la socdo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Marc Rubio ayaga oo ku jira godka xiriirin doona Majidka al-Aqsa ee Yhdu rabto in ay dumiso kana dhisto mid loo yaqaan ‘Macbudka Buurta (Temple Mount)’ ayaa asaga oo u dhaaranaya Turkiga waxa uu yiri, “Erdoganow maqal, halkan aan joognaa maanta waa magaaladeydii oo ma aha magaaladaada. Mar walbana waxay ahaan doontaa magaaladeenna. Mar dambe lama kala qaybin doono.”

Boqortooyadii Turkiga ee Cusmaaniyiinta ayaa ugu danbeeysey dawlad Muslin ah oo maamusha al-Aqsa, waxayna maamulaysay illaa 400 oo sano illaa iyo sannadkii 1917. Dagaalkii koowaad ee adduunka (1914-1918) ayaa Ingiriisku 1917 al-Aqsa kala wareegay Turkiga, 1948-diina waxa uu ku wareejiyey dawladdii Yhda ee Israa’iil ee Igiriisku uu markaas yagleeley. Tan iyo 1948 Yhdu waxay qorsheynaysay sidii ay u burburin lahayd al-Aqsa, una yagleeli lahayd ‘Macbudka Buurta.’

Daandaansiga Israa’iil ee Turkiga ayaa indhawaale socday ayada oo Israa’iil ay maalmo kahor duqeysay keydka hubka ee ciidamada Turkigu ku leeyihiin magaalada Aleppo ee ay la maamulaan ciidamada Suuriya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne al-Golani oo asna xiriir dhow la leh Israa’iil.

Haddaba suaasha maanta taagan baa waxay tahay, “Erdogan oo dhuumaha shidaalka Israa’iil oo dhan ee ka yimaada Azerbaijan ay soo maraan ma leeyahay awood uu ku joojiyo, kulana xisaabtamo Netanyahu oo hadda xasuuq kii ugu darnaa ka wada Qasa?”
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com