Ninkii ugu gaaban adduunka oo geeriyooday

Ninkii ugu gaaban adduunka oo geeriyooday

Ninka ugu gaaban adduunka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala wadanka Nepal, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Ninkan oo lagu magacaabo Khagendra Thapa Magar, ayaa ku noolaa magaalada Kathmandu, balse waxa uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Pokhara,

Khagendra Thapa Magar, ayaa da’diisu ahayd 27 sano jir, waxa uuna dhirirkiisu ahaa 67.08cm oo u dhiganta 2.41 inches.

”In muddo ah ayuu ku jiray isbitaalka, oo waxa uu la xanuunsanayey wadno xanuun oo uu markiiba dambe u geeriyooday ayuu yiri ,” Mahesh Thapa Magar oo ah wiil la dhashay ninka ugu gaaban adduunka, xili uu la hadlayey Wakaaladda Wararka ee AFP.

Magar ayaa loo aqoonsaday ninka ugu gaaban dunida sanadkii 2010, xiligaasi oo ay da’diisu ahayd 18 sano

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com