Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay howlgal ay ka sameyeen gobolka Shabeelada hoose inay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa iyo hub ay lahaayeen Al-shabaab.
Howgalka ayaa lagu sheegay xalay inay ka fuliyeen gobolka.
Howlgal qorsheysan oo ciidanka amnigu xalay ka fuliyay Xafiiska Xizbada Alshabab ee Sabiid Caanoole, ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo Alshabaab ah, walxaha qarxa iyo saanad.
Muhiimadda koobaad ee ciidanka Amniga waa kahortaga Alshabab iyo badbaadinta shacabka.#NISA— NISA (@HSNQ_NISA) December 7, 2018
COMMENTS