NUSOJ “Magacaabista dacwad ooge gaar ah waa talaabo lagu joojinayo danbiyada kadhanka ah Suxufiyiinta,”

 NUSOJ “Magacaabista dacwad ooge gaar ah waa talaabo lagu joojinayo  danbiyada kadhanka ah Suxufiyiinta,”

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee magaciisa loosoo gaabiyo (NUSOJ) ayaa soo dhaweyyey magacaabista xeer ilaaliyaha gaarka ah ee dilalka saxafiyiinta si loo sameeyo baaritaan buuxa oo ku aadan dilalka loo geysto wariyeyaasha ka howl gala Soomaaliya si loo joojiyo ciqaab la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta ee ka dhacay Soomaaliya.

Ururka NUSOJ ayaa go’aan wanaagsan ku tilmaamay magacaabista xeer ilaaliyaha u gaarka ah oogista & baarista dacwadaha danbiyada laga galay saxaafada & suxufiyiinta.

Ururka NUSOJ ayaa bishii May ee sanadkan garsoorka Soomaaliya ka codsaday in si gaar ah loo baaro dilalka aan dhamaadka lahayn ee lala beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo inay cadaalad helaan suxufiyiintii dalka lagu diley mudadii burburka.

“Hadalkan ka soo yeeray Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka saxda ah si loo soo afjaro aafadan Isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in magacaabistani ay waafaqsan tahay walaaceena iyo shuruudaha ay naga rabto Maxkamadu. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka qaadnay talaabadan geesinimada leh dilalka saxafiyiinta ”ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Muddo soddon sano ah, caddaalad dhab ah lama sameynin si loo qanciyo quluubta qoysaska saxafiyiinta la dilay oo muddo dheer la soo dersaya caddaalad darro, Ururka NUSOJ ayaa sheegay in nabadda aan lagu gaari karin caddaalad la’aan taasoo ah mid Soomaaliya ay ku kasbatay magaca xun ee ah Wadanka ugu dhimashada badan suxufiyiinta 20 kii sano ee lasoo dhaafay wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya.

“La xisaabtan la’aan ayaa sii hurisay rabshadaha joogtada ah ee lagula kaco saxafiyiinta dhammaan gobollada Soomaaliya. Waa muhiim in la la ciqaabo qofkasta oo ka qayb qaata danbiyadaan foosha xun, waxaana ka codsaneynaa Xeer ilaaliyaha gaarka ah inuu la yimaado kalsoonida lagu aaminay, ”ayuu hadalkiisa raaciyey Xoghayaha guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cimsaan.

Ururka NUSOJ oo lahaa bilowga ololahan cadaalad raadinta iyo ladagaalanka ciqaab la’aanta ayaa sheegay inay sii wadi doonto ololahan cadaalad raadinta & in deg deg loo bilaabo baarista danbiyadan si cadaalad loogu sameeyo suxufiyiinta dhibanaha ah iyo qoysaskooda.

Maxkamada gobolka Banaadir oo ka jawaabaysa codsi uga yimi Ururka NUSOJ waxay 21-kii May 2020, markii ugu horreysay soo saartay amar maxkamadeed oo faraya Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu si deg-deg ah u bilaabo baaritaannada la xiriira dilalka saxafiyiinta si looga hortago ciqaab la’aan iyo in maxkamad la soo taago dambiilayaasha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com