Oday-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka SITTI ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) oo maanta shir degdega ku qabtay ismaamulka magaalada Diradhawa ayaa shirkooda ku caddeeyey in heshiiska la sheegay in Canfarta iyo Soomaalida ay u kala saxiixeen labada Madaxweyne ee Soomaalida iyo Canfarta uu ahaa mid la mala-awaalay oo waxba-kama-jiraan ah.
Odayaasha oo xaqiijinaya in heshiiska labada Madaxweyne ka dhawaajiyeen uu yahay waxba-kama-jiraan ayaa sheegay in uu wali socdo xasuuqii ay Canfartu ku haysay shacabka gobolka Sitti, gaar ahaan deegaanada Cadayti, Garbociise, Cundhufo iyo Danlahelay.
Odayaasha ayaa sii raacshay in maantadan oo u dambeysey ay Canfartu weerar ku soo qaadeen degmooyinka Afdam iyo Maiso ee gobolka Sitti.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir DDS
Jigjiga
COMMENTS