Waxaa sii xoogeysanaya tabaabushaha dagaal ee Hindiya kaddib weerar argagixiso oo dablay ka soo talaabtay Pakistan ay ku qaadeen deegaanka Pahalgam ee Kashmir, kaas oo sababay dhimashada 26 qof iyo dad ka badan labaataneeye. Hindiya waxay ku eedeynaysaa Pakistan inay taageerto argagixisada. Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan oo jawaab ka bixinaya eeddaas ayaa ku jawaabay in Pakistaan ay “Mareykanka, reer Galbeedka iyo waliba Ingiriiska ay aragagixisada u abaabuli jirtay oo u tababari jirtay.” Hadalkaas ayaa loo qaatay mid ay Pakistan rabto in ay isaga fogeyneyso eedda ah in ay ka danbeyso weerarka argagixisada.
Labada dal ayaa labadii maalmood ee ugu danbeeyey xuduudaha Jammu iyo Kashmir isku weydaarsanayey rasaasta fudud, lamana sheegin wax khasaare ah, labada dhinacba.
Laakiin Hindiya ayaa la sheegay in ay qaadday tallaabooyin dagaal isu diyaarin oo ay ka midyihiin biyaha wabiga Indus oo ay joojisay iyo fiisaha ay siiso muwaadiniinta Pakistan oo ayana ay joojisay. Ciidamada badda Hindiya ayaa ayaguna bilaabay tijaabada gantaalada casriga ah, ayaga oo muujinaya in ay dagaal diyaar u yihiin. Xiisadda labada dal ayaa hadda aad looga dayrinayaa.
Biyaha Wabiga Indus oo ah lafdhabarka nolosha dadka Pakistan, ha ahaato biyaha la cabbo ama kuwa beeraha laga waraabsho, oo hadda Hindiya ay joojisay ayey Pakistan waxay ku hanjabaysaa in ay dagaal ka xigto, xataa Nukliyeer, haddii biyaha Wabiga Indus la joojiyo. Pakistan ayaa saldhigga ciidamada cirka ee Gwadar ee Badda Carabta galisay heegan sare, diyaaradaha Hindiyana ka macnuucday in ay maraan hawada Pakistan.
Falaanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa hadda reer Galbeedka ku eedeynaya in ay ka danbeeyaan weerarkii argagixisada ee Kashmir ayaga oo ku macneeyey mid looga gol leeyahay in gobolka qalalaase laga abuuro, lana kala fogeeyo xiriirka soo xoogeysanaya ee u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha, meesha Shiinaha iyo Pakistan ay hore u lahaayeen xiriir dhow oo qoto dheer.
> Daljir Media
COMMENTS