Wali waxaa ka taagan khilaafka Khaliijka oo meel sare gaaray kaas oo weli ay go’doon heer gobol ah uu ku jiro wadanka yar ee Qadar ayna saareen wadamada gobolka ee khaliijka la isku yiraahdo.
Prof. Dhoolayare wuxuu xusayaa hagardaamooyinka Sacuudiga uu Soomaaliya ku hayey illaa iyo waagii xorriyadda, ahaana dalka ugu horreeya oo hortaagan in Soomaaliya la soo baxdo khayraadkeeda dabiiciga ah.
Prof. Dhoolayare wuxuu si gooni ah u xusayaa mashruucii biyoxireenka Baardheere ee korontada siin lahaa koonfurta Soomaaliya oo dhan oo markii Yurub lacagta soo shubtay uu Sacuudigu tiisii diiday, halkaasna uu mashruucii ku burburay. Wuxuu kale oo xusayaa siyaasadda uu Sucuudiga ku hayo xoolaha Soomaalida iyo cudurada uu jeebka kala soo baxo markii uu rabo in uu Soomaaliya dhaawaco.
Horay ayaa aqoonyahano Soomaali ahi ku eedeeyeen in Sacuudigu siyaasadda xagjirka iyo taageerada ururada xagjirka ahiba ay u tahay siyaasad dibadeed uu danaha Sacuudiga ku fuliyo, dhibka Soomaaliya maanta dhankaas ka haystana uu yahay mid ka soo unkama Sacuudi Carabiya.
Cabdi Xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe, ayuu Barafosoorku u waramay.
DHEGAYSO
Xumaantii Sacuudiga oo Gaartay in Geela Qadar Harraad u Le’do
COMMENTS