Prof. Juriille oo ka tanaasulay tartanka gudoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya

Muqdisho, Aug 26 – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhigoodii sadexaad tan iyo markii loo dhaariyay xubinada baarlamaanka.

Kulanka oo ahaa mid xildhibaanadu ay ku dhagaysanayeen khudbadaha musharaxiinta gudoonka sare ee baarlamaanka ku tartamaya ayaa waxaa shir gudoominayay Gen. Muuse Xasan oo ah gudoomiyaha KMG ee baarlamaanka.

190-xubnood ayaa joogay fadhigii maanta iyo lix musharax oo isku soo taagay qabashada xilka gudoonka sare ee baarlamaanka oo doorashadiisu la qaban doono 28-ka bishaan.


Intii aysan bilaaban khudbadaha musharaxiinta waxaa goobta ka istaagay Prof. C/risaaq Xuseen Cismaan Juriille oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaanada Puntland, waxaa uu sheegay inuu ka tanaasulay ka qaybgalka doorasho ee gudoonka sarre ee baarlamaanka.

Waxaa sidoo kalle goobta ku sugnaa musharaxiint gudoonka sarre ee baarlamaanka sida Dr Cali Khaliif Galayr,Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo xubno kalle oo kasoo jeedda beelaha Daarood.

Xildhibaan C/risaaq Xuseen Cismaan Juriille ayaa dhowaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan doorashada xilka gudoonka sarre ee baarlamaanka Soomaaliya, ma cadda sababaha keenay xiligaan inuu ka tanaasullo xilkaas, waloow warar qaar ay sheegayaan inay jireen codsiyo uga imaanaysay siyaasiyiinta beelaha Doorood ee u sharaxan xilka madaxtinimo ee dalka.Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com