Maxkamada danbiyada culus ee Dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 April 2018 waxay xukun dil ah ku ridey danbiile Maxamed Maxamuud Guure, kaasoo 21 March 2018 kala baxsadey ciidamada Puntland gaari tikniko ah oo qalabaysan.
Xukunka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maxkamada danbiyada culus ee Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal.
Warbixintan Wariye Cabdixakiin Xuseen Xasan ayaa inoo diyaariyeey
COMMENTS