Puntland oo ku bixinaysa dayactirka garoonka ku badda cagta ee Bosaaso $200,000 oo doolar (doowo)

Puntland  oo ku bixinaysa dayactirka garoonka ku badda cagta ee Bosaaso $200,000 oo doolar (doowo)

Maamulka Puntland ayaa maanta garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaaso waxa uu ugu deeqay $200,000 oo doolar, si dayactir iyo dib u dhis loogu sameeyo garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaaso.

madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo ka qayb galay ciyaar kubadda cagta ah oo galabta ka dhacday garoonka ayaa hadalkan ka sheegay.

garoonka kubada cagta ee Bosaaso ayaa tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya helin wax dayactir ah.

waa deeqdii ugu horaysay oo ay dowladda ugu yabooday garoonka magaalada Bosaaso, tan iyo xukuumadihii kala duwanaa ee Puntland soo maray.

Sawiro.

radio Daljir ayaa saddax bilood ka hor ka sameeyay garoonka warbixin muuqaal ah oo muujinaysa burburka garoonka ka muuqdam iyo dhibaatada ay dhalinyarada kubadda cagta ay ku qabaan.

Halkan kadaawo warbixinta uu ka diyaariyay wariye Xasan Heykal.

Warbixin Garoonka Boosaaso

Dayac xoogan ayaa ka muuqda garoonka kubadda cagta ee Boosaaso, dhalinyaraduna cabasho ayay ka muujiyeen arintaasi wariye Xassan Heykal ayaa booqday warbixina ka diyaariyey

Posted by Radio Daljir on Monday, July 15, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com