Puntland oo mamnuucday furitaanka xafiisyo siyaasadeed illaa iyo inta lagu heshiinayo hannaanka doorasho ee dalka

Puntland oo mamnuucday furitaanka xafiisyo siyaasadeed illaa iyo inta lagu heshiinayo hannaanka doorasho ee dalka

Digreeto ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in illaa amar dambe deegaanada Puntland aan laga furan karin wax xafiisyo siyaasadeed ah, sida kuwa ururada siyaasada heer fadaraal iyo kuwa ay furanayaan shaqsiyaad ka tirsan xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Qoraalka waxaa ku saxiixan Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana lagu xusay in si degdeg ah loo xiro xafiisyada laga furay degmooyinka Puntland qaarkood.

Shalay ayaa Xildhibaan Jamaal Xasan ahna Wasiirka Qorsheynta DFS waxa uu degmada Dhahar ka furay Xafiiska Xiriirka & Adeegga Bulshada ee Xildhibaan Jamaal M Xasan.” Waa xafiiskii ugu horreeyey ee noociisa ah oo laga furo deegaanada Puntland, waxaana la furay ayada oo aan Soomaaliya weli laga hirgelin hannaan sharci doorasho oo ay ku mideysanyihiin DFS iyo maamul goboleedyada dalka, ayna sii xoogeysanayaa khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Akhriso oo halkan riix ama hoos arag

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com