Isniin, Oktoobar 12, 2015 (Daljir) —Hay’ada dhanka shidaal baarista iyo macdanta u qaabilsan dowladda Puntland ayaa kasoo horjeesatay soo jeedinta Qaramada Midoobey ee ah in xayiraad lasaaro shidaalka Soomaaliya si uusan xaaladda ammaan ee wadanka usii khalkhal gelin.
Ciise Maxamed Faarax (Dhoola-waa) agaasimaha Hay’ada Batroolka iyo macdanta ee dowladda Puntland ayaa sheegay in dowladda Puntland aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo qaranimada Soomaaliyeed.
Mudane Dhoola-waa oo lahadlayey bogga Bloomberg ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ku khaldantahay inay xayiraad saarto wadan kasoo kabanaya colaad sokeeye dhalinyaradiisiina ay shaqo la’aan yihiin una baahan yihiin khayraadka wadanka looga faa’iideeyo.
COMMENTS