Puntland oo soo dhaweysay Askari kaso goostay Somaliland (dhegayso)

Puntland oo soo dhaweysay Askari kaso goostay Somaliland (dhegayso)

Dawlada Puntland ayaa sheegtay inay magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland kusoo shawaysay Sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliland kaasoo lasoo goostay Gaari uu watay.

Gudiga Difaaca ee dawlada Puntland ayaa sheegay in askarigan iyo gaarigiisa ay kayimaadeen gobolka Sool isla markaana ay qayb ka noqonayaan Ciidamada Jiida Hore ee Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka wasaarada Amniga iyo Wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa si wadda jir ah uga hadlay isasoo dhiibitaanka Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Dawiishta Puntland.

Sarkaalkan kasoo Goostay Soomaaliland ayaa lagu magacaabaa Cabdiwali Cali Xirsi isla markaana kamid ahaa saraakiisha ka soo goostay Soomaaliland sida uu sheegtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com