Puntland qaybo kamid ah lagama soomana maanta

Puntland qaybo kamid ah lagama soomana maanta

Dowladda Puntland ayaa Xalay ku dhawaaqay inaan degaanadooda laga soomayn maanta oo ay ku began tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadaan, waxaana ay sheegeen inay dhammeystiri doonaan 30 ka shacbaan.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in Maalinta Taladaada ah ay u noqon doonto maalinta 1aad ee ramadaan.

Xalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ay ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Inta badan dalka waa laga soomman yahay maanta, waxaana jira degaanada qaar oo aan laga soommanayn, kuwaasi oo sheegay in wali aysan arkin bisha Ramadaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com