PUNTLAND & SOMALILAND OO QAYB MAXAABIISTII LAASCAANOOD IS DHAAFSADAY IYO BAAL CUSUB OO SIYAASADEED OO SOOMAALIYA KA BILOWDAY

PUNTLAND & SOMALILAND OO QAYB MAXAABIISTII LAASCAANOOD IS DHAAFSADAY IYO BAAL CUSUB OO SIYAASADEED OO SOOMAALIYA KA BILOWDAY

Tan iyo imaatinkii RW Xamsa Cabdi Barre uu yimid Laascaanood, lana baxay maxaabiis Somaliland, asaga oo maxaabiistaas ka dajiyey Xamar, waxaa waqooyiga Soomaaliya ka biloowday siyaasad cusub oo leh isu soo dhawaansho siyaasadeed oo ka dhexaysa Puntland iyo Somaliland, meesha SSC-Khaatumo ay u janjeersatay dhanka Xamar.

Wasiir Juxa oo hadal ka yiri maxaabiistii maanta ay Puntland iyo Somaliland is dhaafsadeen ayaa yiri, “Iyada oo aan cidina nagu dhexjirin ayaan wax isdhaafsanay Somaliland. Berri ayaa marwalba ka muhiimsan shalay. Waa xilligii lays ka kaashan lahaa khataraha xagjirka iyo fursadaha.”

Maxaabiista ayaa hore loogu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, ayada oo maxaabiistii Somaliland qayb loo gudbiyey jeelasha Puntland.

Isweydaarsiga maxaabiista ayaa hadda loo arkaa fursad siyaasadeed oo fureysa iskaashi horleh oo dhexmara Puntland iyo Somaliland.

Boqor Buurmadow oo ka degay Garoowe, galbinayana maxaabiista la isweydaarsaday ayaa sheegay in waa cusub u beryey labada maamul, waxa uuna yiri, “Soomaali waa dayacantahay, Puntland ayaana hoggaan uga dhigeynaa.”

Boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray, “Dad aan Soomaali lagu aamini karin ayaanu dooranay.”

Muxuu keeni karaa iskaashi cusub oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dhexmara Puntland iyo Somaliland, muxuu se ka badali karaa siyaasadda cakiran ee Soomaaliya?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com