Putin & Trump oo la Filayo in ay Asbuuca Danbe Sacuudiga ku Kulmaan

Putin & Trump oo la Filayo in ay Asbuuca Danbe Sacuudiga ku Kulmaan

Sida aan ka soo xiganay Jaraa’idka Politico, asbuuca danbe ayaa la filayaa in Madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanku ay ku kulmaan Sucuudiga. La taliyayaasha sare iyo waliba qabanqaabiyayaasha ayaa la filayaa in ay asbuucaan bilowgiisa safraan si ay u bilaabaan diyaargarowga shirka. Waa kulankii ugu horreeyey ee dhexmara labada dal tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine.

Kulanka oo looga arrinsan doono dagaalka Ukraine ayaan Ukraine ama Yurub midkoodna uusan miiska fadhiyi doonin. Dagaalka Ukraine oo maamulkii hore ee Biden uu ka danbeeyey, reer Galbeed oo dhanna ku mideysnaayeen waa looga adkaadey, wixii ay hub hayeen oo Ukraine lagu wareejiyeyna badi Ruushka ayaa gubay ama qabsaday. Khasaaraha nafadeed ee ciidamada Ukraine soo gaaray ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan hal milyan oo qof oo dhimasho iyo dhaawac ah, haatana Ukraine waxa ay qarka u saarantahay ciidan la’aan. Maamulkii Biden ayaa ku riixayey Ukraine in ay ciidan u qorato carruurta illaa 18 jirka, laakiin Trump oo ka soo gaaray ayaad mooddaa in uu gacmaha ka taagay Ukraine.

Asbuucii hore Trump waxa uu Ukraine u sheegay in uu rabo in lacagtiisii loo soo celiyo, waxa uuna u diray Wasiirkiisa Maaliyadda si uu war uga keeno meesha $150 bilyan USD oo Ukraine la siiyey ay aaday.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa hadda xaajadu ku liidataa waana garan la’yahay meel uu wax u raro. Sidoo kale, Yurub ayaa ayana yaabban oo weli ka soo kaban la’a hadalkii Trump ee ahaa, “Waa suurtagal in ciidamada Mareykanku ka baxaan Yurub.”

Yurub ayaa dhan dhaqaale ahaan, dhan siyaasadeed iyo dhan bulsho aad u liita una wiiqantay, waana suurtagal in dhammaan dalalka Yurub ka biloowdaan kacdoon bulsho oo xilligii Biden aad loo xakameyn jiray, hadde se sidii Trump loo doortay baqdin gabay.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com