Qalalaase Dhaqaale oo ka Aloosan Mareykanka & Sansaanta Dagaal ka Dhan ah Iran oo sii Xoogeysanaya

Qalalaase Dhaqaale oo ka Aloosan Mareykanka & Sansaanta Dagaal ka Dhan ah Iran oo sii Xoogeysanaya

Qalalaase Dhaqaale oo ka Aloosan Mareykanka & Sansaanta Dagaal ka Dhan ah Iran oo sii Xoogeysanaya

Tan iyo markii uu Trump shaaca ka qaaday in uu kordhiyey tariifooyinka ama canshuuraha dheeraadka ah ee uu dul saaray shirkadaha dalalka shisheeye, waxaa khasaare aad u xooggan uu ku yimid suuqyada shirkadaha iyo maaliyadda ee dalka Mareykanka iyo dhammaan waddamada horumaray. Suuqa Mareykanka ayuu khasaaraha ugu badan gaaray ayada oo lagu waayey hanti dhan $6.6 tirilyan. Waa balaayiin 3 eber oo kale lagu sii daray iyo wax qofka Soomaaliga ah uusan qiyaasi karin.

Kaagaba sii daran e, suuqayada maaliyadda iyo waliba dhaqaaleyahanadu waxay qiyaasayaan in dhaqaalaha Mareykanku uu dhulka galin doono oo in laga sii daro mooyee aan wax hagaagaa aysan jiri doonin.

Saas oo xaal yahay, waxaa sii xoogeysanaya qorshaha Trump iyo Netanyahu ee dagaal ka dhan ah Iran. Netanyahu ayaa hadda Mareykanka yimid, waana markii labaad sidii Trump loo doortay, imaatankiisana waxaa lala xiriirinayaa inuu qayb weyn ka yahay qorsheynta dagaalka Iran. Waxaa maalmahaan soo ifbaxaya faahfaahinta warqadda la sheegay in Trump u diray Iran. Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in aysan warqad ahayn ee ay tahay sharci madaxweyne oo Trump ku amrayo Iran in sidii Libya ay hubka nukliyeerka dhigto, teknoolajiyadda burburiso, sawaariikhda ridada dheer ka takhalusto iyo waliba dhammaan wixii hub casri ah ee Iran leedahay.

Qorshaha lala damacsanyahay Iran ayaa lagu macneeyey mid Iran saaraya dhabbihii Libya iyo kan Suuriya, markaasna Is^raaiil u suurtagalinaya in ay noqoto quwadda kaliya ee ka talisa Bariga Dhexe.

Iran qorshahaas waa diiday, sida wararkii ugu danbeeyey sheegayaana waxaa socda diyaargarow dagaal oo lixaad leh. Iran ayaa mar kale digniin adag u dirtay dhammaan dalalka Carabta ee la filayo in Mareykanku ka soo duulo, laakiin la fili mayo in ay ka horyimaadaan go’aamada dagaal ee Mareykanka.

Falaanqeeyayaasha siyaasadda ayaa hadda kor u qaaday filitaanka dagaal lagu qaado Iran ayaga oo sabab uga dhigaya dhaqaale darrada baahsan ee Mareykanka iyo sumcaddii Trump oo sii liicaysa. Sidaas darteed waa qorshe hore looga bartay, bay leeyihiin falaanqeeyayaashu, in markii dhaqaaluhu xumaado ama sumcadda madaxweynuhu liicdo in la qaado dagaal dadka lagu illowsiinayo xaaladda dhaqaale ee dalka ka taagan.

Trump oo lagu doortay in uusan dagaal danbe galin doonin Mareykanka ayaa ka kala fireeyey ballantiisii, waxaana weli xawli u socda dagaalka Ukraine iyo kan Gaza oo meeshii ugu darneyd maraya.

Tucker Carlson oo ah wariye caan ah ayaa maanta qoray qoraal uu kaga soo horjeedo qorshaha Trump. Qoraalkiisa oo aan soo koobeyno ayuu Tucker ku yiri, “Dagaal lagu qaado Iran ma awoodno. Kumannaan Mareykan ah baa ku dhiman doona. Dagaalka waa nala kaga adkaan doonaa. Dhibka dalkayaga soo gaaraa wuxuu noqon doonaa kii ugu darnaa … Tani waa ismiidaamin dhab ah. Qofka maanta noo sheegaya in aan Iran dagaal la galno ma aha saaxiib Mareykanka ee waa cadow dhab ah.”

Tucker carrabka kuma uu dhufan cidda cadaadiska ku haysa in Trump dagaalka galo, oo sida aynaan magacaas u sheegi karin buu Tucker iyo wariye kastaa uga gabbanayaa in uu carrabka ku dhufto.

Trump Iran kaliya uma hanjabayo ee wuxuu si joogto ah ugu hanjabaa Shiinaha oo maantadan ugu danbeysay uu ku hanjabay in uu cabshuurta Shiinaha sii labajibaarayo hadday hadal ka soo celiyaan. Dagaalka Iran ayaa lala xiriirinayaa in uu hordhac u yahay kan Shiinaha. Shiinaha ayaa asna sida Iran ku jira diyaargarow dagaal oo hadda ay ciidamadiisu isku gadaameen jasiiradda Taiwan.

Yurub ayaa ayadu mar hore shacabkeeda ku wargalisay in loo diyaargaroobo dagaal Ruushka ka dhan ah. Sidoo kalena waxaa heeggan la wada galiyey warshadaha gaadiidka Jarmalka, sida Mercedes, BMW iyo Porsche oo lagu amray in ay diyaariyaan qayb gaadiidka dagaalka markii loo baahdo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatadoodu diyaar ma u yihiin dagaalka soo fooleh?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com